Home » Maxaa Cusub » Radamel Falcao Oo Aqbalay Inuu 50% Dhimo Mushaarkiisa Si Uu Kooxda Chelsea Kaga Mid Noqdo.

Radamel Falcao Oo Aqbalay Inuu 50% Dhimo Mushaarkiisa Si Uu Kooxda Chelsea Kaga Mid Noqdo.


Radamel Falcao

Weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao xili cayaareedkii dhawaa wuxuu kooxda Man United todobaad walbo ka qaadanayay £285,000 balse kuma uusan guuleesanin inuu Old Trafford wax kusoo kordhiyo natiijadana waxay noqotay inay United iska fasaxdo.

Haatan Falcao wuxuu heshiis amaah ah la gaaray kooxda Chelsea asigoo Blues ka tirsanaan doono 12-bilood ee nagu soo fool leh sida ay kooxdiisa Monaco oo milkiyadiisa iska leh xaqiijisay.

Hadaba wargeska Daily Mail ayaa sheegay in Falcao uu aqbalay inuu 50% dhimo mushaarkiisa si uu Chelsea kaga mid noqdo.

Wuxuuna haatan garoonka Stamford todobaad walbo ka qaadan doonaa £140,000 sidoo kalena xidigan waxay Chelsea kaga fadhisaa inuu wax qabad muuqdo la imaado xili cayaareedka cusub.

Falcao asigoo ku qanacsan ka mid noqoshada Blues wuxuu yiri “Waan ku faraxsanay inaan Chelsea ka mid noqday sidoo kalena diyaar ayaan u noqon doonaa inan kooxdeyda wax badan ka caawiyo xili cayaareedka cusub”

Chelsea ayaa la siiyay fursada ah inay heshiiska amaahda Falcao mid joogto ah u badasho balse waa hadii uu 12-bilood ee nagu soo fool leh bandhig wanaagsan la imaado.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>