Kooxaha ka dhisan EPl-ka ayaa ku hungoobay iney warfarxad leh ka helaan da’yarka kooxda Real Madrid Raphael Varane oo ay mudo badan ku raad joogeen.
Mustaqbalka Raphael Varane ayaa mugdi ku jiray iyadoo saxaafada Spain ay tilmaamayeen in xidigaan uusan ku faraxsaneen joogitaanka Madrid madama uusan boos joogto ah ka heysan kooxdiisa.
Raphael Varane ayaan keydka ugu jira daafaca reer Portugal Kilper Pepe, balse da’yarkaan reer France ayaa xalay ka hadlay mustaqbalkiisa kadib dhamaadkii kulankii ay kooxdiisa 2-0 ku dhufatay Rayo Vallecano.
“Waxaan diirada saari doonaa xili ciyaareedkeena, waxaana wax walba u sameyn doonaa si aan ugu guuleysano dhamaan, waana ku faraxsanahay halkaan” Ayuu yiri Raphael Varane
Si kastaba hadalka kasoo yeeray Varane ayaa dhibaato ku ah kooxaha Manchester City, Manchester United iy Chelsea oo saxiixiisa mudo badan ku raad joogay.
Ugu dambeyntiina Raphael Varane ayaa kursiga keydka ku laaban doona hadii uu soo kaco Pepe taasna waxey mar kale soo celin doontaa hadal heynta la xiriirta inuusan ku faraxsaneen Madrid.