Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah usoo gaba gabeesay saxiixa xidiga khadka dhexe ka cayaaro Andrea Bertolacci kana tirsan xulka Italy.
Xidigan tayada wanaagsan ayaa qalinka ku duugay heshiis 4-sano ah kadib markii uu ku guuleestay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday waxayna Milan laacibkan kusoo iibsatay €20m.
Andrea Bertolacci xili cayaareedkii dhawaa wuxuu ka tirsanaa naadiga Genoa waxaana milkiyadiisa isla lahaayeen Genoa iyo Roma.
Balse todobaadkii dhawaa waxaa xuquuda milkiyadiisa si toos ah ula wareegtay Roma oo ku gadatay €8m sidaa darteed Roma haatan €20m ayay dhigeeda Milan ka heshay taasi oo ka dhigan inay iibka xidigan ka faa’iiday €12m.
Bertolacci oo la hadlaayay TV-ga AC Milan wuxuu yiri “Waxaan kusoo biiray naadi weyn oo muhiim ii ah wana sugi la’yahay bilaabashada xili cayaareedka cusub”
Bertolacci ayaa sidoo kale sheegay inuu waligiis ku riyoon jiray ku biiritaanka Milan haatana ay riyadiisa u rumoowday.
24-jirkan khadka dhexe ku wanaagsan kuna cayaaro lugta bidix wuxuu xili cayaareedkii dhawaa naadiga Genoa u saftay 33-kulan Serie A-da asigoo u dhaliyay 6-gool.
Wuxuuna noqday saxiixa ugu muhiimsan oo ay xagaagan kooxda AC Milan sameyso asigoo qayb ka noqon doono qorshaha Milan dib loogu dhisaayo.