Kooxda PSG waxaa ku dhacday dharbaaxo xoogan madaama si rasmi ah loo xaqiijiyay in David Luiz Iyo Thiago Motta aysan ka qayb qaadan doonin kulanka todobaadka Paris la cayaari doonto naadiga Barcelona wareega 8-aad ee Champion-ka.
Macalin Laurent Blanc ayaa saxaafada la wadaagay musiibada gaarka ah ee kooxdiisa ku habsatay madaama labo xidig oo muhiim ah todobaadka dambe PSG ka maqnaan doonan.
David Luiz dhaawacan wuxuu soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee PSG 3-2 kaga badisay naadiga Marseille halka Mota isaga uusan todobaadka cayaaarin madaama dhaawac dhanka muruqa ah uu qabo.
Macalin Blanc o xaqiijinaayo maqnaanshaha Luiz wuxuu yiri “Waxaan idiin xaqiijinaa in Luiz uu garoomada ka maqnaan doono mudo 4-todobaad ah sidoo kalena Mota 10-maalmood ayuu garoomada ka maqnaan doonaa”
Todobaadka dambe PSG sidoo kalena waxaa ka maqnaan doonaan Marco Verratti iyo Zlatan Ibrahimovic kulanka Barcelona sidaa darteed kooxdan xaalad aan caadi ahayn ayaa soo wajahday.
cabdale maxamed jidhif
8-April-2015 at 8:43 am
psg xaalad xun ayaa lasoo wajahday madaamay ka dhaawac meen ciyaaryahano qaaliyii barcelona ha faa iidaysato waa jaanise