Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Fc Porto Oo Dhameystirtay Saxiixa Giannelli Imbula Oo Diirada U Saarnaa Kooxda Chelsea

Rasmi: Fc Porto Oo Dhameystirtay Saxiixa Giannelli Imbula Oo Diirada U Saarnaa Kooxda Chelsea


Giannelli Imbula

Kooxda kubada cagta Fc Porto ee dalka Portugal ayaa la saxiixatay xidiga khadka dhexe kooxda Marsielle Giannelli Imbula waxeyna ku qaadaneysaa 20 Malyan Oo Euro isagoo qalinka ugu duugay heshiis shan sano ah.

22-jirkaan heerka caalami ee xulka France ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxdaha Chelsea iyo Southampton balse wuxuu markaan heshiis shan sanadood ah oo dhacaya 2020 qalinka ugu duugay Fc Porto.

Porto ayaa xaqiijisay maanta iney la saxiixdeen xidigaan balse waxey sidoo kale xaqiijiyeen in xidigaan heshiiskiisa lagu jabin karo 50 Malyan Oo Euro hadii mustaqbalka la damco ina lagala wareego.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan heshiis u saxiixo Porto” Ayuu yiri Giannelli Imbula oo la hadlayay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Kooxdaan waa koox ku guuleystay koobab yurub ah, waa koox weyn oo aan rajeynayay waxeyna u wanaagsan tahay waayaheyga”

Dhanka kale Giannelli Imbula ayaa qiray in tababaraha kooxda Julen Lopetegui uu yahay shaqsiga ku qalqaaliyay inuu Porto kusoo Biiro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>