Home » Maxaa Cusub » Rasmi Goolhaye Petr Cech Oo Arsenal Ku Biiray Lana Soo Bandhigay

Rasmi Goolhaye Petr Cech Oo Arsenal Ku Biiray Lana Soo Bandhigay


cech

Goolhayaha xulka Czech Petr Cech ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Arsenal kadib markii uu ku guuleestay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday.

Arsenal waxay 33-jirkan dhigeeda Chelsea kaga soo iibsatay £11 million wuxuuna Cech soo dhaweeyay ku biiritaanka Arsenal madaama uu macalin Arsene Wenger balan qaad rasmi ah u sameeyay.

Cech ayaa soo afjaray mudo 11-sano ah ee uu kooxda Chelsea ka tirsanaa madaama uu xili cayaareedkii dhawaa booskiisi lumiyay wuxuuna xidigan muhiim u arkay inuu xili cayaareedkan isbadal deg deg ah sameeyo.

Cech ayaa todobaad walbo Arsenal ka qaadan doono £100,000 wuxuuna noqday cayaaryahanka sedexaad ee Arsenal ugu mushaarka badan kaliya Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ayaa ka mushaar badan.

Imaatinka Cech ayaa sababi doonto in Arsenal ay maal maha nagu soo fool leh iska iibin doonto goolhaye David Ospina oo aqbalay inuu ku biiro naadiga Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>