Home » Latin America » Rasmi: Kabtanka Mexico Rafael Marquez Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Wareega Groupyada Copa America

Rasmi: Kabtanka Mexico Rafael Marquez Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Wareega Groupyada Copa America


Marquez

Xulka Mexico ayaa weynaya kabtankooda Rafael Marquez labada kulan ee ka haray wareega groupyada kadib markii halyeeygaan uu dhaawac soo gaary.

Sabtidii ayuu halyeeygaan dhaawacmay taasna waxey ka dhigan tahay in rajada Mexico ee Copa America ay ugu soo gudbi karaan wareega xiga ee tartanka ay noqotay 70%.

Raajadii la saaray maanta 36-jirkaan ayaa lagu ogaaday inuu u baahan yahay 10 maalmood si uu uga soo kabsado dhaawacaan.

Rafael Marquez waxaa dhaawac looga saaray kulankii ay barbaraha gool la’aanta ah la galeen Bolivia daqiiqadii 64-aad ayaana badal lagu sameeyay.

“Kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Bolivia ee furitaanka Copa America, maanta ayaa tijaabo la marsiinayaa xiidgaan” Ayey aheyd warbixin kasoo baxday xiriirka Mexico.

“Raajadii la saaray waxaa lagu ogaaday bin 7 ilaa 10 maalmood uu u baahan yahay si uu usoo kabsado”

Ugu dambeyntiina Rafael Marquez wuxuu seegi doona kulamada ay Mexico la yeelan doonaan xulalka Chile iyo Ecuador oo ay ku wada jiraan groupka A.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>