Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Kooxda Juventus Oo Dhameestirtay Heshiiska Goolhayaha Reer Brazil Neto

Rasmi Kooxda Juventus Oo Dhameestirtay Heshiiska Goolhayaha Reer Brazil Neto


Neto

Ugu dambeyntii kooxda Juventus ayaa ku guuleesatay loolanka loogu jiray goolhaye Marco Storari kaasi oo xagaagan kooxda Fiorentina isaga tagay kadib markii uu qandaraaskiisa dhamaaday.

Goolhayaha reer Brazil Neto ayaa qalinka ku duugay heshiis 4-sano ah wuxuuna badali doonaa goolhaye Marco Storari oo Juve isaga hayaamay.

Inkastoo Neto uu ka mid yahay goolhayeyaasha ugu qatarsan Serie A-da Talyaaniga hadana wuxuu aqbalay inuu goolhaye labaad u noqdo Giggi Buffon.

Norberto Murara Neto ayaa Juve ku sugaan doono ilaa xagaaga 2019 wuxuuna xidigan ku qancay dalabka aadka u sareeyo oo ay Juventus usoo bandhigtay.

Neto ayaa afar sano iyo bar ka tirsanaa kooxda Fiorentina wuxuuna 25-jirkan go’aansaday inuu xagaagan kooxdiisii Violla isaga hayaamo.

Neto Fiorentina wuxuu kaga soo biiray naadiga Atletico Paranaense ee ka dhisan dalka Brazil sanadii 2011 haatana kooxda Fiorentina ayadoo ka xun ayuu ku biiray naadiga Juventus madaama uu qandaraaskiisa dhamaaday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>