Kooxda Liverpool dhibaato dheeraad ah ayaa lasoo korortay kadib markii xidigeeda Lazar Markovic uu dhaawac soo gaaray asigoo xulkiisa Serbia u cayaarayo wuxuuna laacibkan dib ugu soo laabtay garoonka Anfield.
Reds ayaa sheegtay in 20-jirkan uu ugu yaraan garoomada ka maqnaan doono mudo bil ah, Markovic ayaa xun dhaawaca cusub ee soo gaaray madaama uu halgan ugu jiray la qabisga kubada laga cayaaro Premiership-ka England.
Markovic dhaawacan wuxuu soo gaaray jimcadii aan kasoo gudubnay kulankii xulkiisa Serbia la cayaareen xulka Armenia isreeb reebka Euro 2016 wuxuuna dib ugu soo laabtay Liverpool asigoo dhaawac qabo.
Kadib markii baaritaan lagu sameeyay waxaa la ogaaday in muruqa hoose ee lugtiisa midig inuu dilaac ku jiro wuxuuna u baahan yahay nasiino ugu yaraan 4-todobaad ah.
Sidaa darteed macalin Brenden Rodgers aqbaartan wuxuu ka qaaday madax xanuun madaama inta badan xidigaha Reds ay haatan dhawac garoomada kaga maqan yihiin
bashka
12-October-2014 at 8:33 pm
wan idin salamay marka hore takale liverpool waxa hestow oo mel lagari ladahay waxa kamid ah dhawac yadan isdaba joga ah teda gale dhibga wen waa weryahan fican na hetan badalka suarez lama helin
hiirad
12-October-2014 at 10:43 pm
Mahadsanid wax marab nay warka super lazer
saleebaanliverpool
13-October-2014 at 9:39 am
Lazar khatar ayuu ahaa waana ka xunahay dhaawiciisa soo bogso lazer oo soo dhawoow dhawaan
Abuukar mm(otieno)
13-October-2014 at 2:03 pm
oow not waan ka xumahay dhawacan waayo marcovic Nin lagu tilmaamo ma jogo primary league kaan waayo waa laacib Lazar wey ku bahantahay lfc dhaqso oo so kac (I love MARCOVIC)