Home » Latin America » Rasmi: Neymar JR Oo Seegi Doona Dhamaan Kulamada Ka Harsan Copa America Kadib Markii Afar Kulan La Ganaaxay

Rasmi: Neymar JR Oo Seegi Doona Dhamaan Kulamada Ka Harsan Copa America Kadib Markii Afar Kulan La Ganaaxay


Afar Kulan

Neymar JR ayaan gabi ahaan ciyaari doonin Copa America xitaa hadii Brazil ay gaarto kama dambeysta tartankaan madama afar kulan oo ganaax ah garka loo galiyay.

Kabtanka Brazil ayaa casaan la siiyay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Colombia dhawaan waxaana markii hore la ganaaxay hal kulan balse xal looma arkin oo waa la kordhiyay, sidoo kalana ganaax 10,000 kun Doolar ayaa loogu daray.

Neymar JR waxaa lagu helay dambi ah inuu aflagaadeeyay garsoorahii ciyaartaas Enrique Osses isagoo ku sugay tunel-ka ay ciyaartoyda kasoo galaan.

Dhanka kale Carlos Bacca oo qeyb ka ahaa rabshadii ka dhacday garoonka ayaa isna la ganaaxay laba kulan sidoo kalana laga doonaya lacag dhan 5,000 kun Doolar.

Brazil waxey heysataa fursad ay racfaan kaga qaadan karto ganaaxaan culus ka hor kulanka ay la ciyaari doonto Venezuela oo ah kulanka ugu dambeeya groupka.

Neymar wuxuu ciyaarta ka sameeyay sheeko aan fiicnen madama uu kubad isku dayay inuu gacanta kaga dhaliyo Colombia taasoo kaarka jaalaha lagu siiyay sidoo kalana wuxuu kubad ku darbeeyay Armero dhamaadkii ciyaarta isagoo sidoo kale madaxa ku hertiyay Jeison Murillo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>