Home » Latin America » Rasmi Roberto Carlos Oo Loo Magacaabay Macalinka Naadiga Delhi Dynamos Ee Dalka Hindiya Ka Dhisan

Rasmi Roberto Carlos Oo Loo Magacaabay Macalinka Naadiga Delhi Dynamos Ee Dalka Hindiya Ka Dhisan


Carlos

Halyeegii hore ee xulka Brazil Roberto Carlos ayaa u amba baxay dalka Hindiya waxaana loo magacaabay macalinka naadiga Delhi Dynamos.

Carlos ayaa ku faraxsan inuu ka shaqo Indian Super League oo xiiso gaar ah sanad walbo sanadka ka dambeeyo sii yeelanayo.

Carlos ayaa xilka kala wareegi doono macalinka reer Holland Harm van Veldhoven kaasi oo xili cayaareedkii dhawaa naadiga Delhi hogaaminayay.

Naadiga Delhi kaalinta 5-aad ayay ka gashay horyaalka Hindiya xili cayaareedkii dhawaa waxaana markaan Carlos looga fadhiyaa inuu kooxdan Indian Super League u qaado.

Carlos xili cayaareedkii hore wuxuu macalin u ahaa naadiga Akhisar Belediyespor ee ka dhisan dalka Turkiga balse haatan wuxuu ku qancay inuu hormuud ka noqdo mashruuca laga hirgalin doono naadiga Delhi.

Carlos oo arinkan xaqiijinaayo wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan macalin u noqday naadiga Delhi sidoo kalena waxaan xiiso u qabaa mashruuca cusub ee kooxdan iyo inaan ISL u qaado”

Dhanka kale Nicolas Anelka oo ay Carlos naadiga Real Madrid ka wada tirsanaan jireen isagana waxaa loo magacaabay inuu naadiga Mumbai City u noqdo macalin iyo cayaartooy.

Horyaalka Hindiya wuxuu bilaaban doonaa bisha October ee isla sanadkan waxaana ka qayb qaadan doonaan inta badan halyeeyaasha kubada cagta ka fariisteen ee caalamka magaca ku leh.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>