Macalinkii hore xulka Faransiiska Raymond Domenech ayaa aaminsan iney Morgan Schneiderlin u wanaagsan tahay ku biiritaanka Man United si uu u hormariyo waayahiisa ciyaaraha.
Xidigaan Southampton ka tirsan ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa aad u xiiseynayay kooxaha Arsenal, United iyo Tottenham waxaana lagu qiimeeyaa aduun dhan 25 Malyan Oo Pound oo u dhiganta 35 Malyan Oo Euro.
Goal.com ayaa fahantay in Man United ay u dhawdahay saxiixa Morgan, balse Domenech ayaaba qiray iney u wanaagsan tahay inuu dhaqaaqo, si uu boos uga helo xulka Faransiiska Euro 2016.
“Isaga, waxaa u wanaagsan inuu United u guuro” Ayuu Domenech u sheegay warbaahinta.
“Hadii uu doonayo inuu boos ka helo France, waa inuu kasoo muuqdo Champions League-ga, balse hadii uu sii joogo Southampton, nasiib ma lahan”
Si kastaba Raymond Domenech ayaa u arga inuu xidigaan ku biro Manchester United arin fiican, wuxuuna aaminsan yahay in United ay tahay koox ka magac weyn Southampton.
Dhanka kale Morgan Schneiderlin ayaa ku adkeysanaya inuu isaga tago kooxda Southampton iyadoo hamigiisa ugu weyn uu yahay inuu koobka horyaalada yurub ciyaaro.
Ugu dambeyntii warar hoose ayaa sheegayay maalmihii ugu dambeeyay in xidigaan uu qarka u saran yahay ku biiritaanka kooxda Van Gaal balse warar rasmi ah ma jiraan wali.