Xidiga reer Nigeria John Obi Mike ayaa si lama filaan ah kusoo galay liiska xidigaha ay kooxda Real Madrid dooneyso inay xagaagan lasoo saxiixato.
Tuttomercato ayaa sheegay in Madrid ay Mikel galin doonto booska Sami Khedira oo xagaagan si xor ah garoonka Bernabue isaga tagi doono.
Mikel heshiiska uu Chelsea kula joogo waxaa uga harsan labo sano balse xidigan kama mid ahan laacibiinta Jose Mourinho joogtada u cayaarsiiyo sidaa darteed wax caqabad ah makala kulmi doono inuu xagaagan La Ligaha Spain u dhaqaaqo.
28-jirkan kaliya 14-kulan ayuu xili cayaareedkan kooxdiisa Chelsea u saftay wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay macalin Carlo Ancelotti oo ay kooxda Chelsea saaxiib ku noqdeen 4-sano ka hor.
Sidaa darteed Ancelotti ayaa ka dambeeyo qorshaha ah in Real Madrid ay xagaagan Mikel lasoo saxiixato.
Mikel sanadii 2006 ayay Chelsea €23m kaga soo iibsatay naadiga Lyn Oslo wuxuuna mudada 9-sano ah ee Stamford Bridge ku sugan yahay kooxda kula guuleestay koobab aad u fara badan sida 1-Champions League, 1-Europa League, 1-Premier League, 4-FA Cups iyo 2-League Cups ah.