Robin Van Persie ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiis Man United ka hor kulanka Manchester Derby ee axada lagu wada balansan yahay.
Laacibka reer Holland dhaawac dhanka qoobka ah oo asiibay ayaa u diiday inuu kooxdiisa Man United u cayaaro tan iyo bishii Fabreeyo balse haatan xaalad wanaagsan ayuu ku sugan yahay.
Inkastoo bilawgii todobaadkan uu macalin Van Gaal sheegay in RVP uusan diyaar u noqon karin kulanka Man United la cayaari doonto Man City hadana xidigan waqti hore ayuu tababarka kooxda soo xaadiray.
RVP oo adeegsanaayo Twitter-ka wuxuu yiri “DIb ayaa tababarka ugu soo laabtay waxaana wax la qeebsaday kooxda”
“Waan ku faraxsanahay inaan caafimaad qabo sidoo kalena xiiso gaar ah aya ii laheyd inaan saaxiibadeyda tababarka la qaato”
“Waxaan u hanaqal taagaa inaan cayaaro kulanka xiga ee nagu soo fool leh marba hadii aan tababar dhameestira sameeyay”
Man United ayaa guuleesatay dhamaan kulamada ay cayaartay marka laga reebo hal kulan tan iyo markii Van Persie uu dhaawacmay waxaana booskiisa buuxiyeen Rooney iyo Mata hadaba xidigan dib ma ugu soo laaban doonaa Line Up-ka Old Trafford!
osman
9-April-2015 at 3:58 pm
kumasoolaaban doono@shaxda manunited hadaan ina adeerkiisa vangal uun ixto sameen