Kooxaha Juventus iyo Roma ayaa la yaaban hormarka uu mudo gaaban Mohamed Salah ka dhex sameeyay Serie A-da Talyaaniga sidaa darteed labadan koox ayaa doonayaan inay xagaagan ku dagaalamaan saxiixiisa.
Salah bishii Janaayo ayuu Fiorentina qaab amaah ku yimid balse laacib aad u wacan ayuu kusoo baxay madaama uu la yimid dhalin joogto ah iyo waxqabad dheeraad ah.
Sidaa darteed saxaafada Ingiriiska ayaa sheegtay in labada naadi ee haatan Serie A-da ugu awooda badan ay saxiixa Salah ku dagaalami doonaan xagaagan waxaana milkiyadiisa iska leh naadiga Chlelsea.
Kooxda Fiorentina ayaa dhanka Chelsea ka heesato balan qaad ah in xagaagan Salah looga iibiyo €16m balse haatan warar cusub ayaa sheegayo in Chelsea ay balankaas ka bixi rabto.
Sidoo kalena diyaar u tahay inay suuqa dhigto Mohamed Salah si ay qiimo aad u sareeyo iibkiisa uga macaashto.
London Evening Standard iyo Calciomercato ayaa shaaca ka qaadeen in Juventus iyo Roma ay diyaar u yihiin inay Fiorentina ku garaacaan saxiixa Salah oo haatan ka mid ah xidigaha qaarada Yurub ugu waxtarka wanaagsan.