Home » Horyaalada » La liga » Ronaldo Iyo Benzema Oo Ka Caawiyeen Inay Madrid Hogaanka La Ligaha La Wareegto

Ronaldo Iyo Benzema Oo Ka Caawiyeen Inay Madrid Hogaanka La Ligaha La Wareegto


ronaldo

Sidii la wada filaayay kooxda Real Madrid ayaa la wareegtay hogaanka La Ligaha Spain kadib markii ay 2-0 kaga tilaabsatay dhigeeda Garanada balse xidigaha macalin Carlo Ancelotti waxay ku qaadatay ila qaybtii dambe ee cayaarta inay gool ku daah furaan waxaana shabaqa kooxda Garanada gool dhex dhigay xidiga marwalbo ay Madrid isku haleyso Crsitaino Ronaldo daqiiqadii 56-aad, kooxda Garanada ayaa isku dayday inay iska soo gudo goolka looga naxsaday balse weeraryahanka reer France Karem Benzema ayaa boorka iska jafay wuxuuna cayaarta ka dhigay 2-0 daqiiqadii 74-aad.

Cristiano Ronaldo real amdrid granada liga bbva

Guusha ay Madrid gaartay ayaa dhigan in kooxdan ay mudo 24-saac hogaanka kali La Ligaha Spain kali ku ahaan doonto waxayna haatan labo dhibcood ka sareysaa kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo maalinka axada cayaari doonaan. Madrid ayaa gaartay guusheedii 7-aad oo xariir ah weliba kooxdan waxay dhigtay rikoor u gaar ah madaama 7-kulan oo ay guuleesatay aana wax gool ah laga dhalinin!

Xaqiiqo la xariirto kulankan:

Real Madrid ayaa kusoo gashay xidigaha kala ah : Lopez; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Alonso, Modric, Di Maria; Bale, Benzema, Ronaldo tani ayaa ka dhigan in macalin Ancelotti uu markale kursiga kaydka galiyay wiilka reer Spain Isco inkastoo uu xidigan badalay kusoo galay qaybhii dambe ee kulan.


Waxaa Aqrisay: (161)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Ronaldo Iyo Benzema Oo Ka Caawiyeen Inay Madrid Hogaanka La Ligaha La Wareegto

  1. c/calameste Reply

    January 25, 2014 at 8:18 PM

    Waa iska cadi wana lagu oganjiray waliged

  2. Indhacade Reply

    January 25, 2014 at 8:38 PM

    viva Cr7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>