Macalinka labaad ee kooxda Man United Ryan Giggs ayaa ka hadlay qorshaha kooxdiisa uga dagsan xagaagan suuqa Yurub.
Man United waxaa siweyn loola xariirinaa xidigaha kala ah Sergio Ramos, Bastian Schweinsteiger & Morgan Schneiderlin.
Hadaba Giggs ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay saxiixyo muhiim ah sameyn doonto loona baahan yahay in cayaartooy dheeri ah naadiga lagu soo kordhiyo.
Giggs oo la hadlaayay The Times wuxuu yiri “Hadii ay jiraan xidigo la heli karo kuwaas oo naadi awood kusoo kordhin waan ku qasbanaan doonaa inaan lasoo saxiixano”
“Sidoo kalena waa muhiim inaan ka fikirno goobaha ay kooxda u baahan tahay in laga xoojiyo ha noqdo goolhaye, daafac dhexe, cayaaryahan khadka dhexe ka cayaaro iyo weeraryahan dhamaan intaas waan u baahanahay”
“Waa qasab inaan is xoojino awoodeena sare u qaado waayo xili cayaareedkii hore kaalinta 4-aad ayaan galnay ee kaalinta kowaad kooxda ma galin”
“Sidoo kalena kooxaha nala xifaaltamaan iyagana wey is xoojin doonaan waxaa intaas sii dheer inaan Champion-ka cayaari doono sidaa darteed waa inaan helnaa xidigo na gaarsiin karaan hadafyada noo dagsan xili cayaareedka dambe”