Home » Maxaa Cusub » Schweinsteiger Oo Ogolaaday Inuu Ku Biiro Man United Isla Markaana Qalinka Ugu Duugay Sadex Sano Heshiis Ah

Schweinsteiger Oo Ogolaaday Inuu Ku Biiro Man United Isla Markaana Qalinka Ugu Duugay Sadex Sano Heshiis Ah


Bastian

Kabtanka Xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger ayaa ogolaaday inuu ku biiro Man United si uu ula midoobo tababarahiisii hore Louis Van Gaal.

Sida la aaminsan yahay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Van Gaal iyo Bastian ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in xidigaan uu aqbalo dalab kaga yimid Man United kaas oo ah inuu qaadan doono 7.2 Malyan Oo Pound Sanadii waana sadex sano oo heshiis ah.

Sida ay qortay The Bild, 30-jirkaan ayaa ku biiraya Man United isagoo dhawaan usoo duuli doona Ingiriiska si uu caafimaad ugu maro kooxda Man United.

Kaliya waxa dhiman waa in Bayern iyo Man United ay ku heshiiyaan lacagaha xidigaan, waxaana la rumeysan yahay in Bayern ay 15 Malyan Oo Pound ku rabto, inkastoo United ay hiigsaneyso in xidigaan kaliya 12-bilood uu kaga haray qandaraaskiisa Bayern.

Dhanka kale Bayern qudheeda diyaar ayey u noqon doontaa iney Bastian arintiisa kala hadasho Man United waxaana la filayaa in arintaan lasoo dhameeyo saacadaha soo socda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Schweinsteiger Oo Ogolaaday Inuu Ku Biiro Man United Isla Markaana Qalinka Ugu Duugay Sadex Sano Heshiis Ah

  1. moha srk Reply

    11-July-2015 at 11:49 am

    bastian waa laacib uqaalma dheelista man unt welcome maslaxa riyada bastianow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>