Weeraryahanka kooxda Juventus Alvaro Morata ayaa meesha ka saaray inuu xagaagan dib ugu laaban doono kooxdiisii hore Real Madrid.
Morata ayaa bilawgii xili cayaareedkan kooxda Juve ka mid noqday wuxuuna lasoo baxay waxqabad dheeraad ah haatana waa xidig laga jecel yahay magaalada turin.
Balse saxaafada Spain ayaa hadal heyso in dhamaadka xili cayaareedkan ayay weeraryahankan Real Madrid dib u ceshan karto madaama markii hore labada dhinac ku heshiiyeen in mudo 12-bilood gudaheeda ay Madrid dib u iibsan karto xidigan.
Balse Morata ayaa hadalkaas kasoo horjeestay wuxuuna sheegay inuu isaga yaqaan halka u roon mustaqbalkeyga cayaareed.
“Xiligan la joogo kaliya waxaan ku fikirayaa inaan Juve mudo dheer lasii joogo sidoo kalena waan ku faraxsanahay waqtiga aan halkaan ku qaadanaayo”
“Xagaagii hore Real Madrid ma aysan rabin inay i iibiso balse aniga ayaa go’aankaas qaatay haatana marwalbo aniga ayaa go’aanka lahaan doono”
Sidoo kale xidigan ayaa sheegay inuu kooxdiisii hore Real Madrid xushmad u haayo balse muhiimada ay tahay inuu ka fikiro mustaqbalkiisa cayaareed wuxuuna daawo u arkaa inuu Juve mudo dheer kasoo mid ahaado.
amiin
4-April-2015 at 11:54 am
waa sax alvaro morata iska joog juve waxaa tahay wiil laga jecelyahay