Macalin Jose Mourinho bilawgii xili cayaareedkan wuxuu ka dhawaajiyay inuu ku riyoonayo dhisida boqortooyo awood badan oo ka talin karto hoyaalka England 10-sano ee nagu soo fool leh.
Sidaa darteed macalinkan iyo kooxdiisa Chelsea xili cayaareedkan waji wanaagsan ayay ku bilaabeen Premiership-ka England ilaa haatan dhinacooda dhulka lama dhigin 11-kulan oo ay cayaareen.
Mourinho ayaa doonayo inuu awooda Chelsea sare usii qaado wuxuuna macalinkan ku guuleesan rabaa saxiixyada Marco Reus iyo Rapheal Varane horaanta bisha Janaayo ayadoo Chelsea labadan xidig ku qaadan rabto £40m.
Hadaba sidii noqon doonaa Line Up-ka Blues hadii labadan xidig ee tayada wanaagsan garoonka Stamford Bridge usoo dhaqaaqaan:
Goolhaye: Thibaut Courtois
Daafaca: Branislav Ivanovic, Raphael Varane, John Terry, Cesar Azpilicueta
Khadka dhexe: Nemanja Matic, Cesc Fabregas; Oscar,
Weerarka: Marco Reus, Eden Hazard; Diego Costa
abdiqani bashiir
November 19, 2014 at 2:42 pm
waalahi aad ayaa us dhaweynaa macalin jose wuun kusax san yahay