Home » Maxaa Cusub » Sky Sports Oo Heshay Xog Ku Aadan In Man United Ay Ku Dhawdahay Heshiis Ay La Gasho Ilky Gundogan

Sky Sports Oo Heshay Xog Ku Aadan In Man United Ay Ku Dhawdahay Heshiis Ay La Gasho Ilky Gundogan


Gundogan

Manchester United ayaa ku dhaw saxiixa kubad sameeyaha kooxda Borrusia Dortmund Ilky Gundogan iyadoo kula saxiixaneysa aduun lacageed oo gaaraya 21.5 Malyan oo Pound sida ay qortay Sky Sports.

24-jirkaan heerka caalami ee xulka Jarmalka heshiiska uu kooxdaan kula jiro wuxuu dhacayaa June 2016, taasna waxey cabsi ku abuurtay Dortmund taasoo ka baqaneysa iney xidigaan si xor ah ku lumiso iyadoo xasuusan in Lewandowski ay xor ku lumisay.

Kuabd sameeyahaan waxaa si ba’an loola xiriirinayay kooxaha Manchester City iyo Arsenal balse United ayaa haatan qarka u saaran iney ka afduubato saxixa xidigaan kooxahaas kale.

Gundogan wuxuu waayahiisa kasoo bilaabay kooxda Bochum ka hor inta uusan ku biirin Nuremberg, halkaas oo uu kaga soo dhaqaaqay Dortmund sanadii 2011.

Ugu dambeyntiina Louis Van Gaal ayaa doonaya in Gundogan uu badal uga dhigo Micheal Carrick oo aan mustaqbal dheer kusii laheyn Old Trafford madama uu da’yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>