Home » Horyaalada » italian Serie A » Sportmediaset Oo Shaaca Ka Qaaday Qiimaha A Chelsea Ku Dooneyso Mauro Icardi

Sportmediaset Oo Shaaca Ka Qaaday Qiimaha A Chelsea Ku Dooneyso Mauro Icardi


Mauri Icardi

Shabakada Sportmediaset ayaa sheegtay in kooxda Chelsea ay dhigeeda Inter Milan haatan kala xaajooneyso qaabkii xagaagan Mauri Icardi looga iibin lahaa

Sidoo kalena Sportmediaset waxay daaha ka qaaday in Chelsea ay xidigan ku dooneyso €30 million waanna qiimaha haatan Inter Milan miiska u saaran.

Weeraryahanka reer Argentina waxaa la hubaa in xagaagan ay kooxdiisa iska iibin doonto madaama aysan kooba horyaalada Yurub cayaari doonin.

Waxaana dhawaanahan si adag ugu raad joogtay kooxda Chelsea oo haatan ku dadaaleyso in xidigan tayada wanaagsna uusan naadi kale ku biirin.

Icardi ayaa maalintii shalay ahayd sheegay in wada hadaladii u socdeen isaga iyo kooxdiisa Inter Milan uu hakad k yimi.

Wuxuuna yiri “Waa arin dhib badan madaama dadka ku nool magaalada Milan ay aad ii jecel yihiin sidoo kalena anigana waan tixgaliyaa”

“Balse waa muhiim inaan tilaabo kale qaado hadii aan Inter isku fahmi weenay sidii aan heshiis cusub ku saxiixi lahaa”

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>