Home » Maxaa Cusub » Stevan Jovetic Oo Kusii Dhawaanayo Ku Biiritaanka Kooxda Liverpool Xili Ay Kooxdiisa Fasixi Doonto

Stevan Jovetic Oo Kusii Dhawaanayo Ku Biiritaanka Kooxda Liverpool Xili Ay Kooxdiisa Fasixi Doonto


Jovetic

Weeraryahanka reer Montenegro mustaqbalkiisa cayaareed ma fadhiyo haatana waxaa la sheegay inuu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Liverpool.

Maal mihii ugu dambeesay Stevan Jovetic waxaa siweyn loola xariirinaayay inuu Inter Milan ku biiri doono balse kooxda reer Talyaani waxay awoodi weesay inay bixiso lacagaha ay Man City xidigan ku dooneyso.

Wargeska The Mirror ayaa sheegay in Liverpool ay aqbashay inay bixiso 16million waana qiimaha ay Man City weeraryahankan tayada wanaagsan kaga samri karto.

Weeraryahankan horey ugu cayaari jiray naadiga Fiorentina marnaba uma suura galin inuu Man City bandhig wanaagsan ka sameeyo inkastoo uu sanadii 2013 garoonka Etihad yimid.

Jovetic kama mid ahan qorshaha kooxda Man City ee xili cayaareedka dambe sidaa darteed xidigan wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu dalabka Liverpool aqbalo madaama uu garoonka Anfield boos joogto ah uu ka heli doono.

Macalin Brendan Rodgers ayaa baadi goob ugu jiro weeraryahan tayo wanaagsan ee uu ku xalin karo dhibaatada Reds.

Madaama Balotelli, Lambert iyo Borini ay ku fashilmeen inay Liverpool caawiyeen sidoo kalena sedexdan xidign joogis uma taalo garoonka Anfield.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>