Home » Europe » Champions League » Sturridge Oo Laga Yaabo Inuu Kasoo Muuqdo Kulanka Real Madrid EE Champions League-ga

Sturridge Oo Laga Yaabo Inuu Kasoo Muuqdo Kulanka Real Madrid EE Champions League-ga


Sturridge

Daniel Sturridge ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto garoomada kulanka ay talaadada kooxdiisa Bernabeu kula ciyaari doonto Real Madrid kulan ka tirsan Champions League madama la helay sawir uu soo dhigay Instagram-ka oo muujinaya inuu kooxda u raacay safarka ay ku aadeen dalka Spain.

Sturridge ayaan kasoo muuqan garoomada tan iyo August inkastoo xili dambe uu tababarka kusoo laabtay hadana jug canqawga ah oo soo gaartay xiligaas ayaa laba isbuuc dib u digtay.

Dhanka kale tababare Branden Rodgers ayaa qiray in wiilkaan reer England uusan ka qeyb qaadan karin kulanka Liverpool ee Champions League iyo sidoo kale kulanka ay sabtida wajahayaan kooxdiisii hore Chelsea oo haatan ah hogaamiyayaasha horyaalka Ingiriiska.

Si Kastaba Jamaahiirta Liverpool ayaa ku farxay sawirka muujinaya inuu xidigaan kala qeyb galay kooxdiisa safarka ay ku aadeen magaalada Madrid waxeyna rajeynayaan inuu kasoo muuqdo.

Ugu dambeyntii maqnaashaha Sturridge ayaa si daran looga dareemay kooxda iyadoo saxiixooda cusub Mario Balotelli uu gudan waayay waajibkii loosoo iibsaday.

One Response to Sturridge Oo Laga Yaabo Inuu Kasoo Muuqdo Kulanka Real Madrid EE Champions League-ga

  1. Ahmed Saeid Reply

    November 4, 2014 at 8:57 am

    kkkkkkkkkkkkkkkkk….kuwii uu shakigu kujirey iyo kuwii taamka ahaaba waay isasoo raaceen si ey u caawiyaan asxaabtooda ciyaareysa taageero ahaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>