Arsenal ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhawdahay soo afjarida saxiixa Peter Cech oo ka tirsan kooxda Chelsea, iyadoo ku qaadaneysa 11 Malyan Oo Pound waxeyna warbixinta intaas ku dareysaa in xidigaan arintiisa ay Gunners soo afjari doonto todobaadka dambe dhamaadkiisa.
Goolhayahaan u dhashay dalka Czech Republic ayaa si aad ah loola xiriirinayaa Arsenal, PSG iyo Man United madama uu boos joogto ah ka waayay kooxdisia Chelsea.
Si kastaba Daily Mail ayaa qortay in Arsene Wenger uu kalsooni saa’id ah ku qabo helitaanka saxiixa Peter Cech taasoo u ah arin wanaagsan in Emirates ay ku tartamaan laba goolhaye oo aad u wanaagsan, madama uu kooxda ku sugan yahay David Ospina oo Colombia goolka u qabta.
Dhanka kale 32-jirkaan waxaa si aad ah u xiiseyneysa kooxda Paris Saint Germain oo dhibaato dhanka goolka ah ay heysato, waana kooxda uu cad-cad marka dib loo raaco hadalkii uu Jose Mourinho arinkta Cech ka yiri ee uu kooxaha EPL-ka culeska ku saarayay.
Ugu dambeyntii Peter Cech oo sanadii 2004, Blues kaga yimid Rennes oo dalka faransiiska ah ayaa la filayaa inuu ka dhaqaaqo Stamford Bridge.