Waxaa caawo la filaa kulanka Liverpool ay la cayaari doonto naadiga Real Madrid inay qaar ka mid ah taageerayaasha Reds inay soo qaataan boorar ay ku qoran yihiin “Iska bax Rodgers”
Sidoo kale hadii Liverpool ay guuldaro caawo kala kulanto Real Madrid waxaa hubaal ah kulanka sabtiga ay Anfield ku qaabili doonto Chelse in inta badan taageerayaasha kooxdan ay culees xoogan ku saari doonaan in Ridgers shaqada laa racadeeyo.
Hadaba saxaafada dalka England ayaa hadal heyso in taageerayaasha Liverpool ay rabaan in 5-macalin midood hogaanka kooxdan faca weyn lagu aaminno.
Waxaana ugu horeeyo Jurgen Klopp oo haatan rabo inuu kooxdiisa Dortmund isaga tago, sidoo kale Diego Simeone oo isagana Atletico Madrid hogaamiyo ayay qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool doonayaan in hogaanka Anfield lagu aamino.
Waxaa kalo jirto in Rafael Benitez isagana laga doonayo Anfield waana macquul inuu macalinkan markale Liverpool dib ugu soo laabto. Sheeko lama filaan ah ayaa jirto taasi oo ah in Manuel Pellegrini uu isagana Liverpool qaban doono waa hadii xilka Man City laga xayuubiyo.
Ugu dambeyntii macalinka kooxda Sevilla Unai Emery oo ah tababare falsafad wanaagsan ayaa isna Liverpool lala xariirinaa hadaba ma isleedahay 5-macalin midkood hadii uu hogaanka Liverpool la wareego wuu ka roonaan doonaa waxa uu haatan qabtay macalin Rodgers.
saleebaanliverpool
November 4, 2014 at 10:39 am
Aniga waxaan qabaa xataa hadii uu badiyo in la caydhiyo B RSABTOO AH MA YAQAAN QAABKA BEDELKA IYO WELIBA FALSAFSHADA NAADIGA LIVERPOOL
SADIIQ YARE
November 4, 2014 at 11:44 am
Wwwww ani waxan jeclan lahaa simeone ama j.Kolop xita pelegrini wa ok