Home » Horyaalada » La Liga Spain » Tababare Luis Enrique Oo Doorbidaya In Xavi Hernandez Uu Sii Joogo Kooxda Barcelona

Tababare Luis Enrique Oo Doorbidaya In Xavi Hernandez Uu Sii Joogo Kooxda Barcelona


Xavi

Luis Enrique ayaa jeclaan lahaa in Xavi Hernandez uu go’aansado sii joogitaanka Camp Nou, xili xidigaan si ba’an loola xiriirinayo inuu ka tagi doono kooxda marka uu dhamaado xagaagan.

Heshiiska uu Barca kula jiro Xavi Hernandez wuxuu dhamaanayaa June 2016, balse waxaa jira warar la xiriirinaya xidigaan ku biiritaanka kooxda Al Sadd ee dalka Qatar.

Inkastoo maamulka Barcelona ay goor hore sheegeen iney go’aanka Xavi Hernandez hadii uu rumoobo ay tixgelin doonaan hadana Enrique ayaa si shaki la’aan u cadeeyay sida uu u jecel yahay in Xavi uu kooxdiisa sii joogo sanad kale.

Luis Enrique ayaa arimaha Xavi wax laga weydiiyay kadib guushii ay kooxdiisa ka gaartay Almeria kulan ka tirsan La Liga habeenkii Arbacada.

“Waxaa jecel dhamaan jamaahiirta Barca iyo qof walba oo jecel kubada cagta, wuu ogyahay midaas wuuna dareensan yahay. waan ku farxi lahaa hadii uu nasii caawin lahaa, balse waan ogahay inuu doonayo qibrad meelo kale ah, wax walba oo uu doorto waan tixgelin doonaa”

Luis Enrique ayaa ahaa shaqsigii ka dambeeyay in Xavi uu xiligaan ku sugnaado Camp Nou madama uu doonayay inuu tago ka hor bilowga xili ciyaareedkaan, waana suuragal inuu mar kale ku celiyo gobolka Catalonia.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>