Home » Horyaalada » La Liga Spain » Tababare Rafael Benitez Oo La Hadlay Isco Alcaron Una Sheegay Inuu Muhiim U Yahay Kooxdiisa

Tababare Rafael Benitez Oo La Hadlay Isco Alcaron Una Sheegay Inuu Muhiim U Yahay Kooxdiisa


Isco

Isco Alcaron ayaa sii joogi doona Real Madrid madama macalinka cusub ee kooxda Rafael Benitez uu xidigaan u sheegay inuu muhiim u yahay kooxdiisa xagaaga soo aadan sida ay qortay majaladda AS ee Spain kasoo baxda.

Da’yarkaan reer Spain ayaa bartilmaameed buuxa u ahaa kooxda Juventus taas oo dooneysay iney ku buuxiso booska uu baneynayo Andrea Pirlo oo Mareykanka u socdaalaya, sidoo kalana waxaa laga cabsi qabaa in Pogba iyo Vidal ay kooxda ka tagaan.

Si Kastaba AS ayaa ku warantay in Rafael Benitez oo  la sheekeystey Isco Alcaron isla markaana uu u sheegay inuu la doonayo sii joogitaanka kooxda.

Arintaan ayaa wajigabax ku noqneysa Juventus oo xidigaan si ba’an u dooneysay, balse Isco ayaan ka hadlin kaas oo aan hubin inuu boos joogto ah ka helayo kooxda Madrid.

Ugu dambeyntii Isco wuxuu laba sano ka hor kusoo biiray Madrid isagoo kaga yimid kooxda Malaga ee Horyaalka Spain.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>