Tababare Arsene Wenger ayaa jamaahiirta Arsenal ugu yeeray iney xushmeeyaan isla markaana soo dhaweeyaan inta uu mudan yahay kabtankii hore kooxda Cesc Fabregas kas oo axada isagoo cadaw ku ah kooxdiisii hore imaan doona waqooyiga London.
Fabregas ayaa xagaagan ku biiray kooxda Chelsea isagoo kasoo hayaamay Barcelona, balse wuxuu mudo 8-sano ah ku qaatay kooxda Arsenal intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2011.
Fabregas wuxuu axada imaan doonaa Emirates isagoo cadaw ku ah kooxdisii hore isla markaana xiran maaliyada Blues balse Jamaahiirta Gunners ayaa ka carooday go’aanka xidigaan heerka caalami iyadoon la fileynin iney soo dhaweyn u sameeyaan madama mid kamid ah jamaahiirta uu codsaday in sawirkiisa laga fujiyo Emirates.
“Waxaan doonayaa in xidig walba la xushmeeyo, marka uu Fabregas yimaado Emirates haloo xushmeeyo inta uu mudan yahay” Ayuu Wenger u sheegay warbaahinta.
Fabregas ayaa u saftay Arsenal in ka badan 300 kulan mudadii uu halkaas joogay ka hor inta uusan 2011 ku biirin kooxdii uu xiligii caruurnimada usoo ciyaarayay ee Barcelona.