Home » Maxaa Cusub » Telegraph Oo Shaacisay In Man United Laga Soo Diiday Dalab 20 Malyan Ah Oo Ay Ka Gudbisay Schneiderlin

Telegraph Oo Shaacisay In Man United Laga Soo Diiday Dalab 20 Malyan Ah Oo Ay Ka Gudbisay Schneiderlin


Morgan Schneiderlin

Kooxda Southampton ayaa iska soo diiday dalab 20 Malyan Oo Pound ah oo ay ka heshay Man United taasoo ay ku dooneyso burburiyahooda reer France Morgan Schneiderlin.

Xidigaan reer France waxaa ku raad jooga kooxo badan oo yurub ka dhisan, wuxuuna doonaya inuu isaga tago St Merry madama uu damacsan yahay inuu kasoo muuqdo koobka Horyaalada Yurub.

Telegraph ayaa qortay in Manchester United ay dalab 20 Malyan oo pound ah ka gubdisay 25-jirkaan heerka caalami, basle dib loogu soo celiyay waxeyna kooxdan uu hogaamiyo Ronald Koeman ku dooneysaa xidigaan 30 Malyan oo Pound.

Labadaba Tottenham iyo Arsenal ayaa sidoo kale xidigaan doonaya, balse sida United oo kale kuma dhiiran iney dalab ka gubdiyaaan walow haatan gacanta sare ay leedahay kooxda Red Devils.

Dhanka kale Van Gaal ayaa ku raad jooga Bastian Schweinsteiger, inkastoo hadii uu helo uusan u baahnan doonin Morgan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>