Home » Maxaa Cusub » Victor Wanyama Oo Cadeeyay In Arsene Wenger Uu Isku Dayay Saxiixiisa Xili Ciyaareedkaan

Victor Wanyama Oo Cadeeyay In Arsene Wenger Uu Isku Dayay Saxiixiisa Xili Ciyaareedkaan


Wanyama

Xidiga khadka dhexe kooxda Southampton Victor Wanyama ayaa ka dhawaajiyay in Arsene Wenger uu doonayay inuu la saxiixdo xili ciyaareedkaan.

Balse Wanyama ayaa qiray inuu taxadar u yeelan doono xiisaha Arsenal, isagoo sidoo kale qiray inuu mar kale doonayo qibrad Champions League-ga ah.

“Wenger wuxuu ka hadlayay arimaheyga, waxeyna u ekeed inuu doonayo saxiixeyga xili ciyaareedkaan” ayuu Wanyama ugu waramay The Sun.

“Arsenal waa koox weyn, waan jeclahay inaan ciyaaro Champions League, sidii aan u jeclaa markaan joogay Celtic, balse haatan waxaan xili fiican ku heystaa Southampton, waxaan doonayaa inaan sii joogo isla markaana aan diirada saaro sidii aan kooxdeyda uga caawin lahaa iney kasoo muuqato Yurub”

“Markaas kadib aan aragno halka ay sheekadu ku dhamaado xagaagan”

Sidoo kale waxaa jira warar hoose oo xidigaan la xiriirinaya kooxda Tottenham Hotspur halkaasna waxaa jooga macalinkiisii hore Mauricio Pochettino.

Ugu dambeyntiina Wanyama ayaa ka gaabsaday inuu kasii hadlo arintaas wuxuuna sheegay in qofna aysan ogaan karin waxa dhici kara mustaqbalka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>