Kabtanka kooxda Man City Vincent Kompany ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa Man City aysan la tirsan karin kooxaha awooda badan ee reer Yurub.
Vincent Kompany ayaa xusay in kooxdiisa aysan ku heer ahayn qaar ka mid ah kooxaha tartamada Yurub sanad walbo calankooda ka dhex muuqdo.
“Farqi weyn ayaa inoo dhaxeeyo anaga iyo kooxaha Yurub ugu awooda badan waana dhab inaan heer ahaan ka hooseyno kooxaha kale”
“Runtii Barcelona iyo Bayern Munich ayaa Yurub ugu awood badan inta kalena wey kusoo daba feylaan sidoo kalena Real Madrid labadaas koox ayay u dhaxeysaa awood ahaan hadii ay ka baxdo xaalada ay ku sugan tahay”
“Ma ahan in warbixino qaldan nagala qoro Man City hadafkeeda wuxuu yahay inay noqoto koox Yurub laga qadariyo ee ma ahan in nalala bar bar dhigo Barcelona iyo Bayern midaasna cadaalad ma ahan”
“Koox walbo ayaa EPL qaadi karto waayo Arsenal iyo Chelsea marar badan ayay qaadeen EPL iyagana waa xaqiiqo in aysan la tartami karin Barcelona iyo Bayern Munich marka ma ahan in Man City kaligeed wax laga sheego!”
cabdilahi
20-March-2015 at 3:58 pm
vicente hadalkiisaa wuu ku sax sanyahay lkn midbaa ka yara qaldan maxaa yeelay city iyo arsenal midna horta uma qalmaan lkn chelsea inuu ka reebo ,may ahayn sababtoo ah barca.. payern.. madrid,, markuu yiri bleus na inuu ku soodaro ayay ahayd sababta oo ah waa koox la mida kooxahaa usheegay mise tartanka ka dhexeeya dartii buu uga reebay