Home » Maxaa Cusub » Waa Kuma Xidigii Ugu Wanaagsanaa Ee Uu Fernando Torres Kasoo Garab Ciyaaaro? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya

Waa Kuma Xidigii Ugu Wanaagsanaa Ee Uu Fernando Torres Kasoo Garab Ciyaaaro? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya


Steven-Gerrard-Fernando-Torres-2008-Liverpool_3113342

 

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Fernando Torres ayaa shaaca ka qaaday xidiga ugu wanaagsan oo uu ebid garoomada kubada cagta la galay xilix idigaan uu usoo ciyaaray kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada yurub.

Torres ayaa xili ciyaareedkaan kusoo noqday gurigii uu kusoo barbaaray ee Vincent Calderon isagoo ka hayaamay sanadii 2007 markaas oo uu ku biiray kooxda Liverpool, balse afar sano kadib wuxuu ku biiray Chelsea waase xiligii uu bilowday mugdiga noloshiisa gaarka ah inkastoo uu koobab waaweyn la qaaday Blues.

Si kastaba Torres oo wareysi siinayay jariiradda Marca ee kasoo baxda dalka Spain ayaa ka dhawaajiyay in Steven Gerrard uu yahay shaqsigii ugu wanaagsanaa ee uu ka garab ciyaaro.

“Wey adag tahay inaan doorto madam aaan nasiib u yeeshay inaan garoon la galo xidigo waaweyn, balse Steven Gerrard ayaan dhihi karaa waa xidigii iigu wanaagsana ee aan garoon la galo” Ayuu yiri Torres oo la hadlayay Marca.

Torres ayaa dhawaan cafis ka helay Jamaahiirta Liverpool ee ku kacsanaa tan iyo 2011 markaas oo uu ku biiray Chelsea, waxaana 4-sano kadib ay ku heeseen magaciisa markii uu kusoo laabtay Anfield kulan sadaqo lagu aruurinayay oo kulmiyay halyeeyo badan oo Liverpool ah iyo kuwa kale.

El-Nino ayaana qiirooday isagoo ciyaarta kadib ka dhawaajiyay in Jamaahiirta Liverpool ay yahiin kuwo naxariis badan isla markaana yaqaana xushmada.

Ugu dambeyntii El-Nino wuxuu haatan xili fiican ku qaadanayaa kooxda Atletico Madrid oo si amaah ah ku yimid bishii January ee sanadkaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>