Madaama xili cayaareedkan dhamaad ku dhow yahay waxaa daaha laga qaaday kooxaha ilaa haatan 100-gool iyo ka badan dhaliyeen dhamaan tartamada kala duwan.
Kooxdii ugu dambeesay ee liiskan ku biirto waxay noqotay naadiga Arsenal oo kulankeedii ugu dambeeyay 3-1 ku xaaqday kooxda Hull City.
Hadaba hoos kaga bogo kooxaha reer Yurub ee xili cayaareedkan 100-gool iyo ka badan dhaliyeen iyo sida ay u kala goolal badan yihiin:
VFLWolfsburg: waxay cayaartay 48-kulan waxayna dhalisay 100-gool
Arsenal: Waxay cayaartay 51-kulan waxayna dhalisay 100-gool
Sevilla: waxay cayaartay 54-kulan waxayna dhalisay 105-gool
Chelsea: waxay caaartay 51-gool waxayna dhalisay 105-gool
PSG: waxay cayaartay 55-kulan waxayna dhalisay 110-gool
Bayern Munich: waxay cayaartay 47-kulan waxayna dhalisay 117-gool
Real Madrid: waxay cayaartay 54-kulan waxayna dhalisay 147-gool
Barcelona waxay cayaartay 53-kulan waxayna dhalisay 159-gool
bashka
6-May-2015 at 1:35 am
100goal kabadan msn kaliya aya fcbarca u dhaliyay