Kooxda Man City ayaa isku diyaarineyso inay dalab cusub oo £40m u gudbiso kooxda Liverpool si ay Raheem Sterling gacanta ugu soo dhigto.
Hadaba Man City ayaa ku caan baxday inay xagaa walbo sameyso saxiixyo qaali ah sidaa darteed 20-jirkan xulka England ka tirsan wuxuu ka mid noqon doonaa xidigii ugu qaalisnaa oo ay ebid City la saxiixato hadii uu heshiiskan hirgalo.
Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan kooxda Man City iyo xidiigahii ugu qaalisnaa oo ay lasoo saxiixatay:
Cayaaryahan | Kooxda laga soo iibsaday | Lacagaha | Taariikhda |
Sergio Aguero | Atletico Madrid | £38m | 2011 |
Robinho | Real Madrid | £32.5m | 2008 |
Eliaquim Mangala | Porto | £32m | 2014 |
Fernandinho | Shakhtar Donetsk | £30m | 2013 |
Edin Dzeko | Wolfsburg | £27m | 2011 |