Weeraryahanka reer Montenegro Stevan Jovetic diyaar uma ahan inuu Premiership-ka England baaqi kusii ahaado sidaa darteed xidigan wakiilkiisa dalka Talyaaniga ayuu u duulay.
Warbixin rasmi ah ayaa lagu sheegay Stevan Jovetic wakiilkiisa inuu wada hadalo la yeelan doono naadiga Inter Milan waxayna meel isla dhigi doonaan sidii xidigan uu garoonka San Serio u imaan lahaa.
Fali Ramadani oo ah wakiilka xidigan ayaa sheegay inay martiqaad ka heleen macalin Roberto Mancini oo u balan qaaday weeraryahankan inuu boos joogto ah siin doono hadii uu xagaagan Inter Milan usoo dhaqaaqo.
Steven Jovetic sidoo kale wuxuu dalaabyo kala duwan ka heestaa kooxaha AC Milan iyo Juventus oo loolan ugu jiraan inay saxiixiisa ku guuleestaan.
Kooxda Man City waxay diyaar u tahay inay dhageesato dalabyada Steven Jovetic ku aadan waxayna ku dooneysaa xidigan 25-milyan oo euro ah.
Sidoo kale Fali Ramadani wuxuu kulan la qaadan doonaa naadiga Roma madaama uu Fali Ramadani sidoo kale wakiil u yahay Adem Ljajic wuxuuna kala hadli doonaa Roma qorshaha ay Man City isku dhaafsan karaan Ljajic iyo Eden Dzeko oo haatan meel wanaagsan maraayo.