Home » Maxaa Cusub » War Deg-Deg Ah: Jordan Henderson Oo Qandaraaska U Kordhiyay Kooxdiisa Liverpool

War Deg-Deg Ah: Jordan Henderson Oo Qandaraaska U Kordhiyay Kooxdiisa Liverpool


Henderson

 

Sida la rumeysan yahay xagaaga soo aadan Jordan Henderson ayaa noqon doona kabtanka rasmiga ah ee kooxda Liverpool marka uu isaga tago Anfield Steven Gerrard oo soo afjaraya noloshiisa dalka Ingiriiska.

Kabtan Gerrard ayaa heshiis 18-bilood ah la galay galay kooxda LA Galaxy ee dalka Maryekanka isagoo xaqiijiyay inuu dhamaadka xagaagan isaga tagayo Liverpool.

Si kastaba Jordan Henderson ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu kooxdiisa kula joogayo ilaa 2020-ka, inkastoo heshiiskiisii hore uuba kaga harsanaa 12-bilood oo qura.

Henderson wuxuu Liverpool kaga soo biiray Sunderland sanadkii 2011, hal xili ciyaareed oo xanuun badan kadibna wuxuu noqday mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda.

Dhanka kale heshiiska cusub ee Henderson ayaa ka dhigan in xidigaan uu todobaadkii qaadan doono aduun lacageed gaaraya 100,000 kun oo Pound.

Ugu dambeyntiina Henderson ayaa raacay wadadii Sturridge iyo Coutinho ay qaadaan horaantii xili ciyaareedkaan kuwaas oo heshiisyo cusub u saxiixay Liverpool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to War Deg-Deg Ah: Jordan Henderson Oo Qandaraaska U Kordhiyay Kooxdiisa Liverpool

  1. saleebaankaafi:liverpool Reply

    23-April-2015 at 9:00 pm

    Waa sharaf uu helay Rodgers waana inuu xidigaha muhiimkaa ka seexda sanado badan oo ay ku sii joogaan viva Henderson

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>