Real Madrid ayaa dooneysa iney markaan sameyso Galatico cusub waxeyna si ba’an u baadi goobeysaa xidiga Manchester City weerarka uga ciyaara ee Sergio Kun Aguero, sida ay ku warantay majaladda AS ee kasoo baxda Spain.
Rafael Benitez ayaa doonaya inuu kooxdiisa dhanka weerarka ka xoojiyo 27-jirka reer Argentina kaas oo ku guuleystay kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Ingiriiska ayuuna doonayaa inuu la mataaneeyo Ronaldo iyo Bale.
Madrid waxaa ka go’an iney xagaagan isbadal buuxa sameyso, sidoo kalana AS ayaa sii ogaatay xidiga kale ee dhanka weerarka ka ciyaara oo ay Madrid u dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilanto saxiixa Sergio Kun Aguero.
AS waxey sheegtay in Mauro Icardi oo weerarka kaga ciyaara kooxda Inter Milan uu yahay dooqa labaad ee Real Madrid kaas oo waqti fiican la qaatay kooxdiisa xagaagii dhamaaday.
Mauro Icardi kooxdiisa tartamada yurub ma keenin balse si shaqsi ah ayuu hormar u sameeyay wuxuuna kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Serie A-da la qeybsaday Luca Toni oo ka tirsan kooxda Hellas Verona.
Ugu dambeyntii Rafael Benitez ayaa taageero weyn u ah Mauro Icardi wuxuuna xagaagan dhaliyay xidigaan 22-gool kulamada horyaalka.