Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Chelsea Oo Isha Ku Heysa Xaalada John Stones Iyadoo la Damacsan Badalka John Terry

Warbixin: Chelsea Oo Isha Ku Heysa Xaalada John Stones Iyadoo la Damacsan Badalka John Terry


Stones

Kooxda ku guuleystay horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa markaan qiimeyneysa xaalada daafaca da’da yar ee xulka Ingiriiska John Stones si uu badal fiican ugu noqdo halyeyga sii dhamaanaya ee John Terry.

Stones waa 20-jir ka mid ah daafacyada ugu fiican horyaalka Ingiriiska waqtigaan, sidoo kalana goolkiisii ugu horeeyay wuxuu laba todobaad ka hor ka dhaliyay Man United kulan ay kooxdiisa Everton 3-0 ku xasuuqeen wiilasha Louis Van Gaal.

Inkastoo John Terry uu wali ku jiro qaab fiican, hadana waa 34-jir aan wax badan kusii jiri doonin garoomada kubada cagta, Mourinho ayaana doonaya inuu badalkiisa raadiyo.

Sida ay qortay Jariiradda Metro macalinka reer Portugal ee Mourinho ayaa doonaya in Stones uu badalo kabtan Terry.

John Stones waxaa lagu qiimeeyaa 20 Malyan Oo Pound, wuxuuna bishaan gudaheeda gali doonaa 21-sano heshiiska uu kula jiro kooxdana wuxuu ku egyahay 2019.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>