Home » Maxaa Cusub » Warbixin Ku Saabsan Qiimeyn Lagu Sameeyey Kooxaha Ku Dhameysan Doonaan Kaalmaha 3-aad & 4-aad EPL

Warbixin Ku Saabsan Qiimeyn Lagu Sameeyey Kooxaha Ku Dhameysan Doonaan Kaalmaha 3-aad & 4-aad EPL


2649D09100000578-0-image-a-4_1425414253337

Jariirada Caanka Ah Ee Dailymail ayaa sameysay Qiimeyn ku aadan kooxaha ka qeyb geli doono Champions League  ee hadda isku heystaan kaalimaha hore ee Horyaalka England.

Qiimeyntaan ayaa gaar u ah kooxaha (Arsenal, Manchester United, Southampton, Liverpool iyo Tottenham), Maadaama ay hadda yihiin kooxaha ku jira kaailmaha hore marka laga soo tago Chelsea iyo Manchester City.

Qiimeyntaan ayaa kusoo aaday Xilli Macalin Arsen Wenger Uu kooxdiisa ka dalbaday inay keenaan 72 dhibcood Si Ay Ugu Guuleystaan Tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad Horyaalka uu Macalin Vangaal Ugu Yeeray (Tartanka Dooliyaasha England).

Haddaba Qiimeyntaan ayaa ku bilaabaneysa sidaan

Capture

World Cup winner Mesut Ozil has been in impressive form for Arsenal since returning from injury 

ARSENAL

Kooxda Arsenal Culeys weyn ayaa ka heysto dhanka Tartanka Champions League, Laakin waxay ku xoogan tahay Horyaalka England Maadaama Ay Badisay 7 Kulan ee ugu Dambeysay Horyaalka 6 Kamid ah Tan Iyo markii Ay guuldarada kala Kulantay  Southampton Markaas oo uu Macalinka Badalay Goolhayihii Koowaad ee Kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa rajo ka qabto inay Ku Guuleysato  Sedexda tartan oo ay hadda ka mid tahay inkastoo rajadaas aysan sidaas u buurneen, Maadaama ay Kulankii Champions League Guuldaro 1-3 ah kala kulantay Kooxda Monoca oo lugta Dambe loogu tagi doono garoonkeeda, Halka Kulanka  FA Cup-ka  ay Aadi Doonto Kooxda Manchester United.

Kooxda Arsenal ayaa harqisay Goolal Badan, waxay heysataa Xidigo Muhiim ah oo caafimaad qabo, sidoo kale waxay heysataa fursado ay isugu badalan karto xidigeheeda gaar ahaan Qeybta Hore. dhanka kale waxay leedahay Qibrad Ah Inay ku Dhameysato kaalinta Afaraad Xataa hadda waxay indhaah ku heysaa Inay soo Qabato Kooxda Manchester City oo Kaalinta labaad ku jirto.

Kulamada Ay La Yeelan Doonto 7-da Naadi Ee Horyaalka Ugu Sareyso (3 Kulan)

Saadaalin: 76 Dhibcood.

Wayne Rooney has returned to an attacking role since Robin van Persie's injury and has performed well there

==============================================================================

MANCHESTER UNITED

Kooxda Manchester United ayaa wajihi doonto Kulamo adag oo ay la yeelan doonto 5 kamid ah 7-da Naadi ee ugu sareeyo Horyaalka England.

Kooxda ayaa ku liidato Dhanka Kulamada Away-ga ah, waxay ilaa hadda ka heshay kulamadii ay baxday ilaa 16 Dhibic. Manchester United ayaa  cayaartay

Kulamada u Harsan kooxda ayaa jaanis u siinkaro inay Hesho Dhibco Badan Laakiin waxaa jirta Nasiib Daro Iyo Daal ka muuqdo Kooxda oo ilaa hadda cayaartay 32 Kulan dhammaan tartamada waxaan macquul ah inay soo karaar qaadato.

Kulamada Ay La Yeelan Doonto 7-da Naadi Ee Horyaalka Ugu Sareyso (5 Kulan)

Saadaalin: 71-Dhibcood.

Liverpool have been in formidable form since the turn of the year and recently beat Manchester City

==============================================================================

LIVERPOOL

Kooxda Liverpool oo Bilowgii tartanka Ku Bilowday Caajis iyo Nasiib Xumo ayaa hadda lasoo baxday Kubad Dhameystir Leh, Orad, waxayna caawin ka heshay Soo laabashadii Xidigooda Daniel Sturridge.

waxay soo bandhigeen Muuqaal loo riyaaqay tan iyo markii uu bilowday Sanadka Cusub ee 2015 waxayna xoogga soo saartay Premier League maadaama ay isaga hartay Inta Badan Tartamada .

Kulamada Ay La Yeelan Doonto 7-da Naadi Ee Horyaalka Ugu Sareyso (3 Kulan)

Saadaalin: 73 Dhibcood.

Morgan Schneiderlin has impressed for Southampton this season as the Saints surprised everyone

==============================================================================

SOUTHAMPTON

Kooxda Southampton oo Kulamadii hre ee horyaalka ku bilowday dardar xoog leh ayaa hadda bilawday hoos u dhac weyn kadib markii kooxda laga soo saaray kaalmaha Hore ee Horyaalka.

Dhibaatada Ugu Weyn ee soo wajahday Macalinka Kooxda Southampton Ronaldo Koeman ayaa ah in kooxdiisa ay awoodi weysay inay goolal dhaliyaan tan iyo bilowgii Bishii January.

Sidoo kale kooxda waxaa ka dhaawacmay Xidigo muhiim ah kuwaasoo ka tirsanaa safka hore ee kooxda taasina waxay ka hor istaagtay Dagaalkii Ay Ugu Jirto Inay ka qeyb qaadato tartanka Champions League.

Riyada Kooxda ayaa soo dhamaatay Bishii February, markaas oo bishii ka horeysay ay guuleysteen shan Kulan oo isku xigta Horyaalka England.

Kulamada Ay La Yeelan Doonto 7-da Naadi Ee Horyaalka Ugu Sareyso (3 Kulan)

Saadaalin: 61 Dhibcood.

Harry Kane has been in superb form for Tottenham this season, scoring 24 goals so far in all competitions

==============================================================================

TOTTENHAM

Kooxda Tottenham oo iyadana ka mid ah kooxaha rabo inay usoo baxaan tartanka Champions League ayaa kulamadii ugu dambeysay muujisay awood dheeraad ah waxaana la xasuustaa inay guuldaro xanuun badan ku dhufatay kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Inkastoo kooxda ay Guuldaro la kulantay fiinaalkii koobka Capital One haddana waxay heysataa xidigo dhalinyar oo u suurta gelin kara inay ku dhameysato kaalmaha ugu horeeyo Horyaalka kuwaas oo ay kamid yihiin Harry Kane, Ryan Mason, Nabil Bentaleb Iyo Eric Dier

Kulamada Ay La Yeelan Doonto 7-da Naadi Ee Horyaalka Ugu Sareyso (3 Kulan)

Saadaalin: 68 Dhibcood.

ugu dambeyntii qiimeyntaan ayaa sidaan kusoo idlaatay

Capture.JPG last

 

 Akhriste Saadaashaada kusoo dhiibo qeybta hoose ee fikradaha ama Facebook Comment 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

2 Responses to Warbixin Ku Saabsan Qiimeyn Lagu Sameeyey Kooxaha Ku Dhameysan Doonaan Kaalmaha 3-aad & 4-aad EPL

  1. ozkaaaaaaaaa Reply

    4-March-2015 at 7:33 pm

    liverpool 3
    arsenal 4
    intaas bes baa khldn
    my idea nt others

  2. Yaair Arsenal Reply

    4-March-2015 at 10:57 pm

    waan ku raacasanahay Qimayntan la samayay waana macaquul

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>