Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Machester City Oo Markaan Usoo Jeesatay Soo Xerogalinta Philippe Coutinho

Warbixin: Machester City Oo Markaan Usoo Jeesatay Soo Xerogalinta Philippe Coutinho


Coutinho

Kadib markii Arsenal ay sheegtay in da’yarkooda Jack Wilshere uusan meelna kaga socon garoonka Emirates kooxda Manchester City ayaa u dhaqaaqday saxiixa xidiga Liverpool Philippe Coutinho.

22-jirkaan heerka caalami ayaa ku jira qaabkiisii ugu fiicnaa wuxuuna dhaliyay goolka qura oo ay kooxdiisa ugu gudubtay wareega Semi Finalka koobka FA Cupka kulan xalay ay marti u ahaayeen Blacburn Rovers.

Dhanka kale Philippe Coutinho ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo uu qaadanayo 70,000 kun Pound wuxuuna heshiiskaas ku egyahay sanadka 2020.

Si kastaba kooxda Manchester City ayaa markaan dooneysa iney xidigaan la wareegto inkastoo aan la ogeyn in Liverpool ay xidigaan si fudud ku dhiibi doonto.

Ugu dambeyntii kooxda Manchester City ayaa ka walwalsan xaalada kooxda ay ku sugnaan doonto xili ciyaaredka dambe madama la filayo iney weyso Lampard, Milner, Nasri iyo Toure.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>