Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Qorshaha Cusub Ee Real Madrid: Bale Oo Chelsea Aadaya Iyo Hazard Oo Madrid Imaanaya

Warbixin: Qorshaha Cusub Ee Real Madrid: Bale Oo Chelsea Aadaya Iyo Hazard Oo Madrid Imaanaya


Bale and Hazard

Wararka xanta ah ee kubada cagta ayaa xiiso sii yeelanaya iyadoo arinta Hazard ay haatan tahay mid cirka sii galeysa, sida ay sheegeen warbaahinta Ingiriiska kooxda Madrid ayaa dageysa qorshe cusub oo layaab leh.

Kooxda difaacaneysa Champions League-ga ayaa sida la rumeysan yahay aad u dooneysa garabka reer Belgium Eden Hazard kaas oo ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa, isagoo kooxdiisa kula guuleysan raba horyaalka Ingiriiska sidoo kalana ku guuleystay xidiga ugu fiican xili ciyaareedkaan horyaalka.

Si Kastaba sheekadaan cusub ayaa ah in Madrid ayba dooneyso iney Gareth Bale ku wareejiso Chelsea madama Mourinho uu doonayo xidigii hore Spurs, halka Hazard ay ka qaadan doonto waa hadii kooxda Roman Abramovic ay aqbasho qorshahaan.

The Sun ayaa ku warantay in Chelsea ay xiiseyneyso Gareth Bale, waana arinta dhalisay in Madrid ay soo bandhigto xidigaan madama ay si ba’an u dooneyso Hazard.

Hazard ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda Blues kula sii joogayo ilaa 2021, inkastoo Mourinho uu todobaadkan sheegay in Hazard uu joogo 200 Malyan.

Ugu dambeyntii lama oga hadii qorshahaan cusub uu wax ka badali karo adeega Blues, iyo iney hamiga Bale u qabto ku dhiibi doonto Hazard.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>