Kooxda difaacaneysa koobka horyaalada yurub ee Real Madrid ayaa aad u daneyneysa saxiixa da’yarka kooxda Ac Milan Hachim Mastour sida uu ka dhawaajiyay wakiilka xidigaan da’da yar.
Hachim Mastour ayaan wali ku guuleysan inuu kasoo muuqdo kooxda waaweyn ee Milan waana 16-jir reer talyaani ah walow uu asal ahaan kasoo jeedo Masar, waxaana dhowr jeer horay loola xiriiriyay Manchester United.
Dario Paolillo oo ah wakiilka xidigaan ayaa qiray in Madrid ay xidigaan isha ku heyso, balse Mastour uu diirada saarayo xaalada kooxdiisa Milan.
“Waxaa jiray xiriiro ay nala soo sameysay Real Madrid bishii January, waxeyna ku fakarayeen Mastour, waan arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka, balse haatan wiilka wuxuu ku fakaraya kaliya Milan, balse wax walba ayaa dhici kara mustaqbalka”
Si kastaba Hachim Mastoure ayaa qandaraaska uu kula jiro Milan wuxuu dhamaan doonaa June 2017, wuxuuna haatan ka tirsan yahay xulka da’yarta talyaaniga.