Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga kooxda Real Madrid ayaa xiiso u qabta saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda SS Lazio Lucas Biglia.
29-jirkaan reer Argentina kaas oo ka mid ahaa xidigahii xulka qaranka Argentina ee ciyaaray finalkii koobka Aduunka 2014 ayaa haatan wacdaro aan caadi aheyn ka dhigaya Copa America wuxuuna ka mid yahay xidigaha joogtada ah ee xulka keenay Semi Finalka.
Si kastaba La Gazzetta dello Sport ayaa qortay in Rafael Benitez uu aad u doonayo Lucas Biglia inkatoo Lazio ay xidigaan ku rabto qiimo 21 Malyan Oo Pound ah, balse Madrid ayaa damacsan iney 15.6 Malyan Oo Pound ku qanciso si ay u hesho Biglia.
Lucas Biglia sidoo kale waxaa si ba’an u baadi goobeysay waayahii dambe Manchester United, balse haatan Morgan Schneiderlin ayey ku dhaw yahiin taasoo keentay iney hoos u dhigaan xiisahii xidigaan.
Ugu dambeyntii Biglia wuxuu waayahiisa kasoo bilaabay kooxda Argentinos Juniors ka hor inta uusan Anderletch usoo ciyaarin haatana Lazio ayuu ku dambeeyaa.