Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Ronaldinho Caucho Oo Heshiis La Gaaray Kooxda Turkiga Ka Dhisan Ee Antalyaspor

Warbixin: Ronaldinho Caucho Oo Heshiis La Gaaray Kooxda Turkiga Ka Dhisan Ee Antalyaspor


Ronaldinho

Halyeeygii hore xulka Brazil iyo kooxaha Milan, Barcelona iyo PSG ayaa heshiis la gaaray kooxda turkiga ah ee Antalyaspor sida uu shaaciyay madaxweynaha kooxdaas.

Ronaldinho ayaa kansalay qandaraaskii uu kula jiray kooxda reer Mexico ee Queretaro waxaana si ba’an loola xiriirinayay mudooyinkii dambe inuu u dhaqaaqayo horyaalka turkiga.

Kooxdaan dhawaan usoo dalacday horyaalka heerka koowaad ee dalka Turkiga ayaa dhawaan la saxiixatay Samuel Eto’o waxaana madaxweynaha kooxdaas Gultekin Gencer uu ku dhawaaqay in saxiix kale oo weyn ay sameyn doonaan dhawaan.

“Waxaan heshiis la gaarnay Ronaldinho” Ayuu Gultekin Gencer u sheegay TRT Spor, “Waxey ila tahay inaan laba maalmood gudahood rasmi ka dhigi doono”

“Marka laga tago Ronaldinho iyo Eto’o sidoo kale waxaan sameyn doonaa saxiixyo kale oo waaweyn”

“Markaan dhameyno, dunidaan dab ayaan ka shidi doonaa”

Ugu dambeyntiina Ronaldinho ayaa jamaahiirtiisa gaarka ah la wadaagay inuu dhawaan turkiga u dhaqaaqi doono isagoo adeegsanaya Instagram.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>