Home » Horyaalada » La Liga Spain » Wargeyska AS Oo Ceyrintii Ancelotti U Sababeeyay Badalkii Uu Gareth Bale Ku Sameeyay Kulankii Ay Madrid Guuldarada Kala Kulantay Valencia Horaantii Sanadkaan

Wargeyska AS Oo Ceyrintii Ancelotti U Sababeeyay Badalkii Uu Gareth Bale Ku Sameeyay Kulankii Ay Madrid Guuldarada Kala Kulantay Valencia Horaantii Sanadkaan


Bale

 

Go’aankii uu tababare Carlo Ancelotti ku badalay Gareth Bale kulankii ay Madrid guuldarada kala kulantay bishii January ee sanadkaan kooxda Valencia ayaa sababtay in laga raacdeeyo shaqada kooxda Madrid bishii lasoo dhaafay sida uu qoray wargeyska AS.

Ancelotti ayaa koobab waaweyn u qaaday Madrid xili ciyaaredkiisii ugu horeeyay 2013/2014, balse bishii lasoo dhaafay ee May ayaa lagu badalay Rafael Benitez.

Si kastaba AS ayaa qortay in go’aankaas uu noqday mid ka careysiiya Florentino Perez taasna waxey sababtay in Ancelotti uu waayo kalsoonidii Perez, waana jawaabtii ay heleen markii ay agaasimayaasha kooxda weydiiyeen sababtii uu u ceyriyay Ancelotti.

Kalsoonidaas luntay ayaana loo sababeyay inuusan sidii la rabay uu daaweyn Gareth Bale. AS ayaana ku warantay in Perez uu usoo dhawaaday kursiga keydka Madrid markii daqiiqadii 71-aad la badalay xidigaan reer Wales, iyadoo ay xusid mudan tahay in guuldaradaas ay soo afjartay 22-kulan oo aan laga adkaan Madrid.

Intaas waxaa sii dheer in Florentino Perez uu ku qeexay Gareth Bale xidiga istaraatiiji ah, xili uu gudoonka sare ee Madrid ka dhaadhicinayay go’aankiisa.

Ugu dambeyntii arintaan waxey qeexeysaa in Bale uu yahay xidiga ugu muhiimsan Madrid isla markaana uusan Perez ogolaan doonin inuu ka dhaqaaqo kooxda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>