Sida uu qoray wargeyska As ee Spain kasoo baxa kooxda Manchester United waxey da’yarkaan kooxda Atletico Madrid goolka u qabta ku iibsan kartaa aduun dhan 32.5 Malyan Oo Pound, waana goolhayaha la hadal hayo inuu badal u noqon doono David De Gea.
Sabtidii ayey warbixino ka yimid Spain sheegeen in Manchester United ay dooneyso saxiixa goolhayaha xulka Slovenia Jan Oblak si uu badal ugu noqdo David De Gea oo u muuqda mid xagaagan ku biiraya kooxda Real Madrid ee dalka Spain.
Si kastaba Oblak ayaa ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ebid waayahiisa kubada cagta, wuxuuna noqday mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Atletico Madrid, Simeone ayaana doonaya inuu xidigaan kusii haayo Calderon.
Simeone wuxuu calaameystay tiro sadex xidig ah kuwaas oo ah lama taabtaan aan bixitaankooda laga hadli karin waxaana ku jira Jan Oblak halka labada kale ay yihiin Koke iyo Antonie Griezmann.
Ugu dambeyntiina United ayaa dooneysa iney mar kale goolhaye kasoo qaadato Atletico Madrid, waxaana xusid mudan in sanadii 2011 ay kasoo qaadatay De Gea.