Home » Maxaa Cusub » Wiilashii Arsenal Lama Taabtaanka Ka Ahaan Jireen Oo Haatan Meel Cidlo Ah Kusoo Dhaceen!

Wiilashii Arsenal Lama Taabtaanka Ka Ahaan Jireen Oo Haatan Meel Cidlo Ah Kusoo Dhaceen!


Szczesny-Wilshere-Walcott

Wilshere, Walcott iyo Szczesny mudo gaaban ka hor waxay kooxda Arsenal ka ahaayeen sedex laacib oo lama taabtaan ah.

Balse haatan xaalka waa is badal waxayna u muuqdaan kuwo aan muhiim ka ahayn garoonka Emirates sidoo kalena ay aqbalaan kursiga keydka Gunners-ka ama ay xagaagan mustaqbalkooda cayaareed bad baadsadaan.

Walcott isaga xaalkiisa wuu ka duwan yahay labada kale waayo 18-bilood ka hor aisgoo ah hogaamiyaha Arsenal ayaa dhaawac halis ah dhanka jilibka ah ka gaaray markii uu mudo dheer kadibna soo laabtay waxaa u suura gali la’ ilaa haatan inuu dib usoo ceshto qaab cayaareedkiisii wanaagsanaa.

goolhaye Szczesny isagana qof kale ma eedi karo waa inuu naftiisa eedo waayo asigoo ah goolhayaha kowaad ee Arsenal ayuu bilaabay anshax xum iyo inuu goobaha bulshada isugu imaato sigaar ku cabo sidaas ayuuna booskiisa ku lumiyay waxaana haatan goolhayaha lagu kalsoon yahay ee Arsenal noqday David Ospina.

Jack Wilshere waa laacib dadaal badan balse marka ay kooxdiisa u baahan tahay ayuu ka maqnaadaa haatana maqsnaanshihiisa taageerayaasha Arsenal faa’iido weyn ayay u arkeen.

Waayo Ozil, Ramsey, Sanchez iyo Cazorla sifiican ayay iskula jaan qaadi karaan waxaana marwalbo shaxda Wenger dib u celin jiray Wilshere oo ay hada kadib ku adkaan doonto inuu boos joogto ah Arsenal ka helo!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Wiilashii Arsenal Lama Taabtaanka Ka Ahaan Jireen Oo Haatan Meel Cidlo Ah Kusoo Dhaceen!

  1. Zaki Cade Reply

    10-April-2015 at 11:39 am

    Jack Power booskiisa waadiyaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>