Kooxda Arsenal oo maanka ku heesay inay lasoo saxiixato weeraryahanka reer Croatia marka uu xili cayaareedkan dhamaado ayaa haatan rajo wanaagsan ka qabto inay gacanta kusoo dhigto Mario Mandzukic ka hor inta aysan bishan Janaayo dhamaanin, xidigan kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Bayern Munich cayaartay waa laga tagay wuxuuna macalin Pep Guardiola weerarka ka cayaarsiiyay Mario Gotze sidaa darteed Mario Mandzukic fadhi uma yaalo wuxuuna kooxdiisa ku cadaadin doonaa maal maha ka harsan suuqa Yurub in laga iibiyo naadiga Arsenal oo baahi weyn u qabto xidigan tayada wanaagsan door weyn ka cayaaray sanadkii hore inay Bayern Munich ku guuleesato 5-koob.
27-jirkan bishaan oo dhan hormar wanaagsan ma uusan sameynin dhanka tababarka kooxda Bayern Munich qaab cayaareed wanaagsan kuma uusan soo bandhigin sidaa darteed macalin Guardiola ayaa go’aansaday inuu kulankii Monchengladbach ka reebo waxaana looga digay inuu booskiisa lumin doono hadii uusan hab dhaqankiisa badalin, Mario Mandzukic kuma faraxsano joogitaanka garoonka Allianza Arena madaama uu ka warqabo in bisha June uu Bayern kusoo biiri doono Roberto Lewandowski, inkastoo qandaraaska uu Bayern kula joogo ku egyahay sanada 2014 hadana Arsenal ayaa sheegtay inay xidigan kula soo saxiixan doonto 20-milyan oo euro ah maal maha nagu soo fool leh marba hadii uusan isaga rabin inuu Allianza Arena baaqi kusii ahaado.
Waxaa Aqrisay: (430)
Mogadishu - Somalia