C. Ronaldo ayaa xulkiisa Portugal ka caawiyey inay uso baxdo koobka adduunka ee Brazil 2014 kadib markii uu dhaliyey sadexley taasoo celcelis ahaan labada kulan noqoneysa 2-4 oo guusha ku raacday Portugal (Sweden 2-3 Portugal).
Portugal oo 1-0 ku soo badisay kulankii lugta hore ee iyada martida loo ahaa ayaa kulankii lugta labaad waxa ay ku badiyeen 3-2, iyagoo ku soo baxay wadar ahaan labada lug 4-2.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa la isla dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah, laakiin qeybtii labaad ayaa Cristaino Ronaldo uu hogaanka u dhiibay Portugal ka dib kubad loo dhex bixiyay.
Waxaana ay ciyaarta u muuqatay mid soo afjarantay madaama ay Sweden u baahneyd markaas inay dhaliso seddex gool si ay u soo baxdo, laakiin xiddigeeda Ibrahimovic ayaa wacdarro dhigay isagoo xulkiisa u barbareeyay ka hor inta uusan laad xor ah hogaanka ugu dhiibin islamarkaana ciyaarta ka dhigin 2-1.
Labada gool ee Ibra ayaana ka dhigtay in ciyaarta ay dib u soo noolaato iyadoo Sweden ay u jirtay inay Koobka Adduunka boos ka heshay kaliya hal gool kale, laakiin riyadii Sweden iyo Ibrahimovic waxaa carro ku shubay kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo oo kubad kale oo dhex bixis ah shabaqa ku hubsaday islamarkaana u barbareeyay xulkiisa.
Waxaana uu ciyaarta hurdo u diray daqiiqado ka dib markii uu dhameystirtay seddexleydiisa islamarkaana guusha u sahlay xulkiisa oo ku badiyay 3-2. Waxaana Portugal ay sidaasi ku xaqiijisatay booskeeda Koobka Adduunka.
Seddexleyda uu dhaliyay Ronaldo ayaa sidoo kale ka dhigeysa inay barbareeyay rikoorka ninka abid ugu goolasha badan xulka Portugal ee Pauleta iyagoo haatan wada leh 47 gool.
Ronaldo ayaa sidoo kale ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee isreebreebka Koobka Adduunka qaarada Yurub labo jeer seddexleey ka dhaliya, waxa uu sidoo kale ka soo dhaliyay Ireland.
Dhanka kale xulka Croatia ayaa iyagana xaqiijistay booskooda Koobka Adduunka ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Icelandiyadoo kulankii lugta hore la isku dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah.
Mario Mandzukic ayaa hogaanka u dhiibay Croatia ka hor inta uusan casaan toos ah qaadan isla qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana guusha u xaqiijiyay Darijo Srna oo dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 47aad ee ciyaarta.
Greece ayaa iyadana ah wadanka kale ee u soo baxay Koobka Adduunka ka dib barbaro 1-1 la galeen xulka Romania, waxaana Greece ay ku soo baxday wadar ahaan labada lug 4-2.
Dhanka kale Labo gool uu dhaliyay daafaca Liverpool Mahamadou Sakho inkastoo midi ay u muuqatay gool la iska dhaliyay ayaa ka saaciday xulka France inay ka soo kabsadaan labadii gool ee looga soo badiyay kulankii lugtii hore oo ay 3-0 ku tumaan Ukraine oo marti ugu aheyd Paris kulanka kala baxa isreebreebka Koobka Adduunka.
France ayaa kulankaan soo gashay iyagoo og inay howl badan u taalo madaama 2-0 looga soo badiyay kulankii lugta hore, waxaana ay ciyaarta ku bilowdeen si carcar leh, iyagoo helay goolka koowaad qeybihii hore ee ciyaarta markii Sakho uu shabaqa dhex dhigay kubad uu soo bixiyay goolhayaha Ukraine.
Waxaana France u labeeyay Karim Benzema kaasoo dhaliyay gool offside ahaa laakiin daqiiqado ka hor goolkaas ayuu dhaliyay gool sax ahaa oo loo diiday inuu offside ahaa darteed.
Qeybtii hore ayaana lagu kala nastay 2-0 oo France hogaanka ku heysay, Ukraine oo xaalka uu kucad yahay ayaana waxaan labo jaale oo deg deg ah ka qaatay bilowgii qeybta labaad Yevhen Khacheridi taasoo ka dhigtay inay 10 ciyaaryahan ku soo haraan.
Les Bleus oo ka warqabtay inay u baahan yihiin gool kale si ay u xaqiijsitaan booskooda Koobka Adduunka ayaana heshay goolka seddexaad iyadoo ay u muuqatay mid uu iska dhaliyay Oleg Gusev hadana Sakho ayaa wax ka taabtay kubada ka hor inta aysan shabaqa gelin.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0, iyadoo France ay noqotay xulkii ugu horeysay ee Yurub ee kulan Play-off ah inta 2-0 looga hormaro ka soo kabsata islamarkaana iska soo xaadirisa Koobka Adduunka.
Xulka France ayaana dhameystiray 13ka xul ee qaarada Yurub ee u soo baxay Koobka Adduunka ee sannadka danbe ka dhacaya dalka Brazil.
Waxaa Aqrisay: (238)
Mogadishu - Somalia